Marin Habaabinta Kiiska Ka Dhacay Garoonka Diyaaradaha

Somalia news

Shaqaaqadii ay ka geysteen Shaqaalaha iyo Xoogaga NISA taageersan Adeege Fahad Yasin falkii Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waxay ahayd Fadeexadii ugu foosha xumayd oo soo marta Somalia, Nasiib wanaag Ciidamada Amisom ayaa Dhalinyaradaan weerarka geystay kasoo reebay hubkii ay wateen ka hor intaysan Garoonka soo galin…

Maamulka ayaa weli sharaxaad ku filan ka bixin dhacdadii ay Koox ka tirsan NISA ay ku weerareen Shaqaalaha Qeybta Socdaalka Ee Garoonka Diyaaradaha, waxaana warar hoose ay sheegayaan in Wasiirka Amniga uu marin habaabiyay Baarista iyo ka gungaarida dhacdadaan foolsha xun, wuxuu ku tilmaamay dhacdooyinka Caadiga (dembiyada), xili ay Muwaadiniin badan ay ku tilmaameen Foolxumo weyn oo lagula kacay Sumcadda Dalka.

Maxaa la Isku Qabsaday:-

Wasiirka Amniga ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo Dadkii Shisheeyaha ahaa (Khubaro Russian ah oo Hackers ah) oo Dalka uu keenay Fahad Yasin kuwaasoo la sheegay iney ka gacan siiyaan sidii loo afduubi lahaa Account-yo (FB,YouTube iyo kuwo kale) Baraha Bulshada Ku leeyihiin Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ka soo horjeeda Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo iyo dhacda Dhaqaalaha Shirkadaha iyo Xawaaladaha.

Waxaa la isku qabsaday in Baasaboorada Ajaaniibtaan Copy laga qaado, Saraakiisha NISA ay rabeen iney Dalka geliyaan iyadoo aan la raacin habraaca saxda ahaa ee ajaaniibta imaaneysa Dalka, warar ayaa sheegay inuu jiray heshiis hoose oo ka dhaxeeyay labada Hey’adood kaasoo ahaa in NISA ay qoraal ka soo hormariso Imaanshaha Shisheeyaha ay daneynayaan, taasoo aysan dhicin tuhun badana keenay.

Ilo wareedyo ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Wasiirka Amniga ayaa dhegaha ka fureystay inuu dhageysto cabashada ay qabaan Saraakiisha Socdaalka wuxuuna si toos ah ula saftay Hey’adda NISA, ilaa hadda Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo wuu ka gaabsaday inuu ka hadlo Ajaabiintaan ay soo kireysteen.

Hackers-kaan Russian ah, ayaa la sheegay iney sidoo kale Khabiiro ku yihiin Jabsiga Bangiyada iyo dhaca Lacagta, iyadoo Warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in kooxahaan loo Xil saaray iney dhacaan lacagaha shirkadaha Xawaadalada Ee Magaalada Mogadishu, waxaana digniino loo jeedinayaan Shirkadaha Xawaaladaha iyo kuwo ganacsiga iney feejignaan dheeri ah ka muujiyaan kooxahaan la soo kireystay iney dhibaateeyaan Dhaqaale Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

113680cookie-checkMarin Habaabinta Kiiska Ka Dhacay Garoonka Diyaaradaha