Garabka Farmaajo Oo Kulan Ka Yeeshay Xaalada Cakiran

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga soo sheegaya Kulan wada tashi ah oo Xalay ay yeesheen Horjoogaha Villa Somalia iyo kooxdiisa oo ay ku jiraan Guudlaawe iyo Qoor-qoor, Waxayna ka doodeen xaalada cakiran meesha ay marayso iyo haday isbadal la imaan karaan, si ay guuldarada ku soo fool loo aqbalo..

Ilo wareedkaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Farmaajo uu 24-kii saac Ee la soo dhaafay uu xiriir khadka Isgaarsiinta ku raaciyay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, wuxuu sidoo kale adeegsaday Shaqsiyaad aad ugu dhow Mr.Dani iyo Sheekh Axmed si uu ula hadlo isla markaasna uu u sheegay inuu ka tanaasulay dhamaan Qodobadii Khilaafka, nawoog darro lagama hoos qaadin.

Kulanka Xalay ayaa la sheegay in Fikrado dhawr qodob ah ayay isla soo qaadeen oo laga xusi karo:-

-In Kooxda ay jihada badalaan oo Warqad qoraan Rooble doorkiisa siiyaan tanaasulna ku dhawaaqaan.

-Iney la sugaan tanaasulka Ergayga cusub ee Midowga Afrika iyo lagana war dhowro qorshaha uu la yimaado.

-Ineysan Kooxdu dabacsanaan muujin oo ay sii dagaalamaan markana Wadada kaliya ee ufuran ay tahay dood Sharci in ay kala hor tagaan Ergeyga AU-da.

Sida xogtu sheegayso ugu dambeyntii waxay ku heshiiyeen Qodobka 2-aad. kooxdu sii naawilaysaa kusii nagaanshaha Villa, Farmaajo iyo kooxdiisa ayaa raja ka qaba iney ku nagaan aan Villa Somalia.

113760cookie-checkGarabka Farmaajo Oo Kulan Ka Yeeshay Xaalada Cakiran