Warar laga helay Xubno ka tirsan Midowga musharixiinta, Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada ka horyimid muddo kororsiga ayaa sheegaya inuusan jirin wadahadal iyo xiir dhexmaray Horjoogayaasha Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo ee xilligoodu dhamaaday….
Wasiirka 1-aad ee Xil Gaarsiinta Rooble oo muuqaal uu soo duubay xalay ku sheegay in ay arrinta wadahadal ku dhameyn doonaan, isaga oo raaciyay in ciidamadu waajibkooda gutaan, (Warkii Siyaad Barre Beeraha fasha BM-ka Rida), warar xogogaal ahi ay xaqiijiyeen in Ciidamada ka diideen amarka uu joojinaayo Dagaalka, inkastoo uu markii dambe uu hogamiye kooxeedka Farmaajo uu soo dhex galay.
Talaabooyinkaan ayaa muujineysa suurtagalnimada in Muqdisho mar kale uu dagaal ka dhaco, iyadoo ciidamadi difaacyo iyo dhufeyso caro-tuur ay dhigteen goobihii xalay iyo shalay dagaalada ka dhaceen, waxaana dadka reer Muqdisho ay qabaan walwal weyn iyo dareen ku aaddan amnigooda.