Qaraabada Farmaajo Oo Ka Baxsanaaya Dagaalada Caasimadda

Somalia news

Warbixino dheeraad ah ayaa laga helayaa Kooxo qaab qaraabo-qabiil xilal iyo darajooyinka Ciidamada loogu tixay ayaa bilaabay iney ka qaxaan Magaalada Mogadishu kadib dagaaladii shalay galab iyo Xalay, waxaana la sheegay in Xalay Diyaarada Ethiopian airlines ay ka qaaday tiro xigtada hoose ee Farmaajo kuwaasoo ka degtay Magaalada Addis abeba….

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in Shaqsiyaad ka baxsaday Colaada Magaalada Mogadishu uu ka mid yahay Cabdullahi Kulane (Jiis/mareexaan), iyadoo Adeege Fahad la sheegay inuu Madaxtooyada Villa Somalia u guuray kadib markii uu argagax ka qaaday Ciidamada muddo Kordhinta ka soo horjeeda oo ku soo dhowaaday Xarunta NISA.

Kooxdaan qaraabada la ah Farmaajo ayaa la sheegay iney qorsheysteen iney ku noolaadaan Dalalka Ethiopia iyo Turkiga, Saraakiisha kale ee ka garab dagaalamaya Farmaajo ayaa iyaguna goostay Ticket-yo si ay uga baxsadaan Mogadishu, waxayna aaminsan yihiin in garabka Farmaajo aan laga sii dagaalami karin loona babac dhigi karin dagaaladda ay wadaan Ciidanka Farmaajo diiddan.

Prof.Kabire ayaa sheegay “Imise ayaa looga digaayay inuusan Dalka dib ugu celin halka laga keenay, Ayaan-darrse Saakay wuxuu go’doon ku yahay Villa Somalia, Magaaladiina aagag ayaa loo kala xirtay, iyadoo Dal ka soo kabsanaaya dagaalada sokeeye oo sumcadiisa soo laabaaneyso ayuu dib ugu celiyay halkii laga keenay, wuxuuna jebiyay Kalsoonidii Isu-tanaasulkii Soomaalinimada ku dhisnaa, Waan ka gubanayaa in Horjoogaha soo daahay uu u dhaqmo qaabka Daydayga iyo Jirigga, Waxaa u furan inuu is-casilo oo Ku noqdo halkii laga soo gamay.

114520cookie-checkQaraabada Farmaajo Oo Ka Baxsanaaya Dagaalada Caasimadda