Mashruuc Shacbiga Lagu Dhacaayo Oo Daaha Laga Rogay

Somalia news

Habeenkii xalay oo qeybo ka mid ahi ay Magaalada ka dhaceen dagaalo faraha looga gubtay isla markaasna runtii geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo Gaaray Dadka Rayidka ah iyo dhinacyadii dirirtu u dhaxeysa, ayaa Dhanka kale Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo uu ka waday Olole tuugsi ah oo dhaqaale lagu weydiinaayo Jaaliyadaha kala duwan ee Soomaaliyeed…

Kooxaha iyo Garabyada CBB iyo Taageerayaasha jidbeysan ayaa xalay waxey Baraha Bulshada ka wadeen tuugsi Jaaliyadaha Soomaalida lagu weydiisanaayo iney dhaqaale loogu magac daray “Taakuleynta Dowladda” ka wadeen Baraha Bulshada, iyadoo sida laga wada dheregsan yahay in dhaqaalihii lagu soo qaaday Magaca Shacbiga Soomaaliyeed aan la ogeyn halka ay ku baxeen, isla Hubkii iyo rasaastii Deeqda loo siiyay loo adeegsaday caburinta Shacbiga Magaalada Mogadishu.

Horjoogayaasha CBB wax hooya mooyee wax soo celiya qorshaha kuma aysan darsan, Saakay waxay na leeyihiin Tabcanayaasha hogaamiye kooxeedka soo daahay qaaraan uu kusii joogo haloo ururiyo Soomaaliyeey!!!

Ileyn balaayo waa Kacaankii iyo Garacyadiisii.

114440cookie-checkMashruuc Shacbiga Lagu Dhacaayo Oo Daaha Laga Rogay