Maamulka muddo xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo ayaa ku dhawaaqay inuu soo celiyay Xiriirkii kala dhaxeeya Dalka Kenya, Go’aankaasi ayaa bishii December Ee sanadkii tagay lagu micneeyay mid lagu ilaalinaayay Madaxbanaanida Dalka, lagu xoojinaayo Kiiska Dacwada Badda Somalia vs Kenya iyo iney Kenya Faraha kula jirto Arrimaha gudaha Somalia…
Laakin Indheer garadka Soomaaliyeed waxey fahamsanaayeen in xiriirka loo jaray danaha Farmaajo kuwaasoo ku qotimay dib u doorashadiisa iyo adeegida danaha Qatar, Dalalka kale Ee uu kula dagaalamay arrintaan ayaa waxaa ka mid ah Dalka Djibouti, marka laga reebo in la kala saari waayo Danta Qaranka mida shaqsiga ah ee Farmaajo.
Go’aanka uu dib ugu soo celiyay Waxaa laga akhrisan Karaa Sida uu iskugu dayaayo guuldarooyinka Siyaasadeed iyo mida Ciidamo ee uu iska geliyay, waxaana laga daalacan kartaa, iyadoo Qatar si hal haleel ah Ergay u soo dirtay Somalia kaasoo laba maalmood Caasimadda ku sugnaa, kadibna shalay la kulmay Madaxweynaha Kenya Uhuruu Kenyatta.
Kenya ayaa horey u sheegtay iney ka war sugeyso Nidaamka cusub ee dhalan doonto, maadama midkaan uu wakhtiga ka dhamaaday uu u dagaalamaayo dano shaqsiyadeed, Waxeyna Diiday iney qaabisho Wafdi Villa Somalia ay u dirtay Kenya uu hogaaminaayay La-taliyihiisa Dhanka Doorashada Cabdi Cali Raage, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Wasiirka 1aad iyo Qareenkiisa danaha Kenya Axmed Aadan (Axmed Dheere),
Maxey Tahay Danta Qadar:-
Shirkadda Qatar Petroleum ayaa waxey heshiis la gashay Dowladda Kenya shidaal baaris 3-block oo ku yaal xeebaha Degmada Laamu balse lagu qarinaayo Xeebaha Somalia, Qatar ayaa iibsatay 25% Saamiga baarista Shidaalka kaasoo bilaaban doona Sanadkaan gudihiisa (2021), waxeyna dooneysaa in Dacwada dib loo soo celiyo oo laga heshiiyo go’aanka Asian Dowladda wakhtiga ka dhamaaday ma gaari karto go’aan masiiri ah.