Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Somaliland oo lagu dhex garaacay Bartamaha Hargaysa..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa fal gacan ka hadal ah oo abaaro 9:30kii Subaxnimo ee shalay lagu weeraray Xildhibaan Jamaal Aadan Diiriye oo ka mida Golaha Wakiillada  Somaliland, iyadoo falkaan lagu eedeeyay mid ka mid Xoogaga Boliiska magaalada Hargeysa uu geystay dhaawacyana gaarsiiyay Xildhibaanka…

Wararka ayaa sheegay in Askarigaan uu Xildhibaanku u geystay dhaawac dhinaca sanka ah ka soo gaaray, kadib markii ay dhexda gashteen tiro koox uu Xildhibaanku ku tilmaamay burcad, kuwaasoo jidka ku dhex garaacay, isagoo intaasi raaciyay in Dhaawaciisa ka sokow uu Xildhibaanku sheegay in xitaa ay waxyeelo gaarsiiyeen kooxda soo weerartay Gaarigiisa oo uu burbur aan badneyn soo gaaray.

Wararka ayaa sheegaya in markii falkaasi ka war helay Hogaanka Hey’adaha Amaanka ay sheegeen iney soo qabteen guddi baarisna u saareen, iyagoo xiray Askarigii Dhibka u geystay Xildhibaanka, waxaa loo xil saaray Guddi baariseed Sababta arintaa foosha xun keentay.

266560cookie-checkXildhibaan katirsan Baarlamaanka Somaliland oo lagu dhex garaacay Bartamaha Hargaysa..