Madaxweynaha Oo Kulan Gaar ah la Yeeshay Danjirayaasha Somalia u fadhiya..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa kulan uu Madaxweynaha la yeeshay Danjirayaasha dowladda Somalia u fadhiyo dalalka Caalamka, kuwaasoo intooda badan la magacaabay xilligii Maamulkii Farmaajo magacaabidooda waxay aheyd Magacaabis Siyaasadeed (Political Appointee) oo inta badan ku timaada rabitaanka Madaxweynaha….

Inkastoo Somalia aanu weli ka hirgelin nidaamka Xisbiyada waxaa Danjirayaashaan lagu magacaabaa rabitaanka Madaxweynaha markaas xilka haya, iyadaoo lagu jaangoynayo nidaamka awood qeybsiga 4.5, inkastoo dheelitirka Nidaamkaan aan si cadaalad ah loo raacin.

Inta badan adduunka marka xilalka Safiirada magacaabis Siyaasadeed yihiin, marka Madaxweynaha xilkaas u magacaabay doorasho looga adkaado Safiirada muddo kooban kaddib waa is casilaan, maadaama magacaabidooda awal aheyd mid siyaasadeed oo aanu aheyn Xirfad Diblomaasiyadeed (Diblomatic Career).

194730cookie-checkMadaxweynaha Oo Kulan Gaar ah la Yeeshay Danjirayaasha Somalia u fadhiya..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com