Share the post "Ma Dhabaa in Dowladda Federaalka Ay Ku Dhex Milantay Dagaalka Egypt & Ethiopia"
Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda xil gaarsiinta Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa beeniyay in Somalia ay la kala safan tahay Dowladaha Masar, Suudaan & Ethiopia, wuxuuna sheegay in Safarkiisa Qaahira uu ku qotomo xiriirka labada Dal…
Wasiirka ayaa sheegay in Somalia ay ka madax-bannaan tahay is qabqabsiga Dowladaha xiriirkoodu xumaaday (Egypt iyo Ethiopia) balse dal weliba ay ula tacaamuleyso danaha gaarka ah ee ka dhaxeeya sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna meesha ka saaray tuhunka la xiriira in Somalia ay garab u muujineyso dhinac kamid ah dalalka cilaaqaadkoodu aanay wanaagsaneen iyada oo laga tusaale qaadanayo socdaalka uu ku joogo Qaahira.
“Safarka aan ku tageyno waddan kuma xirna xiriir Dal kale kala dhaxeeya, balse safarkeena waxa uu la xiriiraa oo uu ku saleysan yahay xiriirka naga dhaxeeya” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda Somalia.