Ma Dhabaa in Xisbi-Diimeedka Madaxweynaha ay Dulmi Naaxinayaan Abaartana Ka Faa’iideysanayaan

Somalia news

Dalka Somalia waxaa sanadihii ugu dambeeyay waxaa ka hanaqaday ururo Diimeedyo shaati Siyaasadeed huwan kuwaasoo isku koobay talada Dalka, waxaana xiligaan Adag oo Dalku wajahaayo Abaaro, dagaalo ay wadaan kooxaha Argagixisada iyo Amaan darro baahsan oo ka jirta guud ahaa Gobolada Dalka gaar ahaan Caasimada…

Inta badan Shacbiga Soomaaliyeed ayaa welwel ka muujiyay dib u dhac iyo daahista in la soo dhiso Gole Wasiiro oo ujeeddada laga leeyahay ay tahay sidii kala qeybsananta faracyada Xisbi-diimeedka loo xalin lahaa, isla markaasna asaas loogu dhigi lahaa siyaasad ku dhisan afkaarta Urur Diimeedka Demu jadiid.

Hogaamiyayaasha Ururkaan wey ka dheregsan yihiin in fulinta barnaamij siyaasadeedkooda ay kala kulmi doonto caqabado waa-weyn, hase yeeshee ma doonayaan iney saxaan khaladaadka ka muuqda Maamul xumida iyo habcsanaanta ka muuqata mudada 70-maalmood oo ay talada hayaan Urur diimeedkaan.

Khubarada ka faalooda arrimaha gudaha ayaa ka digay in Mas’uuliyiinta Dowlada (Madaxweyne & Wasiirka 1-aad) oo hal xisbi ka soo wada jeeda kuwaasoo siyaasadda ku soo galay si ay dulmi u sii naaxiyaan, iyadoo la ogyahay in kala qeybsanaan dhexdooda ah uu ragaadiyay ku dhawaaqida Golaha Wasiirada.

Dad badan ayaa qaba in Urur-diimeedka Madaxweynaha ay afarta sano u arkaan fursad hanti lagu lunsanayo, danaha qaar ka mid ah Kaadiriinta Xisbiga ee dulmiga ku heshiiyay lagu dhowrayo, waxey xiligaan mashquul ku yihiin sidii ay u soo saari lahaayeen sheekooyin lagu marin habaabiyo Shacbiga lana jaan qaadi kara danahooda.

Sida Abaarta hadda taagana u ay arkaan fursad labaad oo laga macaashi karo, marka si hoose loo fiiro qeylo dhaanta Aduunyada loogu diray Baaqyada ku aadan Wax ka qabashada Abaarta.

203570cookie-checkMa Dhabaa in Xisbi-Diimeedka Madaxweynaha ay Dulmi Naaxinayaan Abaartana Ka Faa’iideysanayaan
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

2 thoughts on “Ma Dhabaa in Xisbi-Diimeedka Madaxweynaha ay Dulmi Naaxinayaan Abaartana Ka Faa’iideysanayaan

  1. Insha ka riday 70-maalmood Wuxuu qoslaaye ku dhameystay Safaro (7) Dibeda ah, iyadoo ay u dhiman yihiin inuu booqasho ku tago Sacuudiga, Qatar, Eritrea iyo Ethiopia.

  2. Waa maqaal dhab ka hadal ah inkastoo ay aheyd inaad xoogaa iftiimiso 4-sano ee lagu qasaaray ee Qoslaaye Garguurte, waxaan maqli jiray Qurbajoog qorax doon ah, waxaana la yahay Qorax joog qurbe u xiiso qaba Hogaanka haya😭

Comments are closed.