Kenya Oo U Goodisay QM & Hey’addaha Gargaarka

Somalia news

Qoraal ay soo saartay balse aan si rasmi ah loo shaacin shalay, ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya uga digtay hay’adaha UN-ka iyo Hay’adaha kale ee caalamiga ah inay u adeegsadaan duulimaadyadooda bani’aadamnimo waxyaabaha kale ee mamnuuca ah…

Qoraalka ayaa lagu sheegay “Wasaaraddu waxay ogaatay in si khaldan loo adeegsaday duulimaadyada bani’aadamnimada ee labada dhinac iyo arrimo siyaasadeed oo liddi ku ah go’aankii 11-kii Maajo, NOTAM oo ay soo gudbisay Hay’adda Duulista Hawada ee Kenya (KCAA),”.

Wasaaraddu waxay sheegtay inay hadda kadib kormeer ku sameyn doonto dhammaan rakaabka iyo badeecadaha ay soo raraan hay’adaha UN-ka iyo Hay’adaha kale ee caalamiga ah ka hor inta aysan ka dhoofin Nairobi oo ay aadin Somalia.

“Duullimaadyada bani’aadamnimada, Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa kale waa inay Wasaaradda u soo gudbiyaan liiska rakaabka iyo badeecadaha loo qaadayo Somalia si looga sifeeyo waxyaabaha mamnuuca ah,” ayay tiri wasaaraddu.

Sida laga soo xigtay NOTAM, Kenya waxay mamnuucday dhammaan duulimaadyada ganacsiga iyo kuwa xamuulka ee tagaya ama ka tagaya Soomaaliya marka laga reebo duulimaadyada gargaarka ee Adeegyada Hawada ee Qaramada Midoobay, duulimaadyada mevac, iyo howlaha gargaarka bani’aadamnimo.

Duulimaadyada ay saameynta ku yeelatay hakinta waxaa ka mid ah African Express Airways (XU, Nairobi Jomo Kenyatta), Freedom Airline Express (4F, Nairobi Wilson), Jubba Airways (Kenya), Ocean Airlines (Somalia) (Muqdisho) iyo diyaaradaha xamuulka ee Astral Aviation (8V) , Nairobi Jomo Kenyatta), Skyward Express (OW, Nairobi Wilson) iyo Safe Air (K3, Nairobi Jomo Kenyatta).

122140cookie-checkKenya Oo U Goodisay QM & Hey’addaha Gargaarka