Weerar Lagu Qaaday Bus Ay Rakaab Saaran Yihiin

Somalia news

Faahfaahin hordhaca ah ayaa laga helayaa Weerar bus oo ay saaran yihiin dad rayid ah gudaha degaanada Waqooyi bari ee Kenya, kaasoo ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, bus-ka ayaa ku sii jeeday Magaalada Mandheera ee ka tirsan degmooyinka Soomaalida Kenya…

Wararka ayaa sheegay in ugu yaraan hal qof oo rakaab ah ayaa ku dhintey 10 kale dhaawac ayaa soo gaarey markii rag hubeysan ay weerar gaadmo ah ku qaadeen laba bas oo marayey inta u dhaxeysa Olla iyo Sarman, degmada Mandheera subaxnimadii Isniinta.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in mid kamid ah basaska uu rogmaday iyadoo qaar ka mid ah rakaabkiina dhaawacyo culus ay soo gaareen, goobta weerarka ka dhacay oo ah qaybta waqooyiga ee gobolka wuxuu ahaa aag nabdoon tan iyo 2013 laakiin muddooyinkii dambe wuxuu ahaa bartilmaameed ay kooxaha loo maleynaayo iney Shababka ka tirsan yihiin.

Taliyaha Boliiska ee gobolka waqooyi bari Rono Bunei ayaa sheegay in burcadda ay u baxsadeen kayn u dhow isla markaana ay halkaasi gaareen kooxo ka tirsan laamaha amaanka, “Waxaan ku daba jirnaa dhanka xuduuda Soomaaliya iyo Kenya oo ay ka baxsadeen. Waa la qaban doonaa, ”ayuu yiri.

123330cookie-checkWeerar Lagu Qaaday Bus Ay Rakaab Saaran Yihiin