Mucaaradka Turkiga Oo Dalbaday Baaris La Xiriirta Shirkada SADAT

Somalia news

Waxaa qeylo dhaan soo saaray Xisbiga Mucaaradka Ee Turkiga, iyagoo cod Dheer uga dalbaday Baarlamaanka dalkaasi iney Baaris ku sameeyaan eedo loo jeediyay Shirkad ka mid ah kuwa Qandaraasyada ka qaata Somalia gacan-saar dhowna la leh Madaxweynaha Turkiga..

Dalabka Xisbiga CPH u gudbiyay Baarlamaanka ayaa ka dambeysay kadib markii ay soo shaac baxeen eedo lagu soo oogay Shirkadda SADAT (International Defense Consultancy), Maleeshiyaad ku tababarta Somalia, Libya iyo Syria, Shirkadaan ayaa xiriiro dhow la Leh Ururka Argagixisada al-Nusra Front, waxaana lagu Eedeeyay iney ku xadgudbeen Shuruucada Turkiga, Caalamka Iyo Xuquuqda aadanaha.

Mr.Unal Cevikoz Gudoomiye kuxigeenka CPH Faraca Istanbul ayaa sheegay “Dhamaan su’aal aha ku gedaaman Shirkadda SADAT iyo Howlgalada milateri Waa kuwo aan jawaab loo helin” waxeyna Howlgalo ka fulisaa Dalalka Somalia, Libya iyo Syria iyagoo adeegsada Kooxaha argagixisada Islaamiyiinta mayalka adag.

Shirkadda SADAT ayaa waxaa asaasay Jeneraal Howlgab ah oo gacan-yare u ahaa Madaxweynaha Turkiga sanadihii 2016-18-kii, waxeyna bixiyaan talooyin Dhanka Istratejiyada, Tababarada iyo taageerada xoojinta Ciidamada Dalalka kor ku xusan, waxeyna howlgelisaa 300/500 Khabiiro Xagga Ciidamada oo Howlgab ka ah Ciidamada Turkiga, kuwaasoo aad loo dhaliilay hab-dhaqankooda Dalalka ay joogaan.

123290cookie-checkMucaaradka Turkiga Oo Dalbaday Baaris La Xiriirta Shirkada SADAT