Madaxtooyada Oo Lagu Eedeeyay iney Wado Abaabulo Dhan Ka Ah Doorashada Puntland

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa abaabulo iyo Shirarka dhan ka ah Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland, isla markaasna ay gadaal ka riixeyso Villa Somalia ayaa la sheegay in laga bilaabay Hotel ka mid ah kuwa Magaalada Mogadishu…

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay in Kulamadaan ayaa ah is xulufeysi siyaasadeed oo ay Xubno Mucaarad ah, tiro Wasiiro iyo Xildhibaano ka soo jeeda Degaanada Puntland, Kulankaan oo dhaqaale ku baxaaya laga bixiyay Villa Somalia, ayaa gogol xaar u ah ka hadalka arrimaha doorashooyinka iyo is-xulufeysi siyaasadeed oo ka dhan ah Saciid Deni.

Waxaana looga dooday Kulankaan sidii si wada jir ah ah la isaga kaashan lahaa arrimaha doorashooyinka heer Xildhibaan iyo in la abuuro isbaheysi ka dhan ah Madaxweynaha Puntland oo xusul duub ugu jira in doorashooyinka xildhibaanada labada aqal damacsan in ay kusoo baxaan xubno taabacsan.

n kulamadaasi looga hadlay sidii si wada jir ah ah la isaga kaashan lahaa arrimaha doorashooyinka heer xildhibaan iyo in la abuuro isbaheysi ka dhan ah madaxweynaha Puntland oo xusul duub ugu jira in doorashooyinka xildhibaanada labada aqal damacsan in ay kusoo baxaan xubno taabacsan.

Warar aan la xaqiijin ayaa Sheegaya in Xubno ka tirsan Xisbiga Mideeye ay ka mid yihiin kooxaha dhaqaalaha ku bixisay Villa Somalia in Doorashada Degaanada Dowlad goboleedka Puntland lagu Carqaladeeyo, talaabadaan ayaa u muuqata mid carqaladeyn karta isla markaasna horseedi karta in Doorashada ku dhacdo mid qalalaase iyo Amni xumo.

124840cookie-checkMadaxtooyada Oo Lagu Eedeeyay iney Wado Abaabulo Dhan Ka Ah Doorashada Puntland