Ma Dhabaa In Xafiisyada UNSOM iyo Amisom Laga Shaqaaleysiyay Dhalinyaro NISA Ka Tirsan

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah Ayaa tilmaamaya in Xafiisyada UNSOM iyo AMISOM Ee Somalia, la sheegay in laga shaqaaleysiyay tiro Koox (Kaadiriinta) Dhalinyaro ah oo ka tirsan Hey’adda NISA, kuwaasoo la sheegay iney saameyn ku yeesheen Howlaha la xiriira Arrimaha Doorashada Somalia…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Xafiisyada UNSOM Somalia laga shaqaaleysiyay tiro Kaadiriinta Dhalinyaro ah oo ka tirsan NISA iyo Xisbiga N&N, waxeyna bilaabeen iney faafiyaan warbixino been ah iyo kuwo lagu jahwareerinaayo Bulshada Soomaaliyeed xiliga Doorashada iyo marxalada kala guurka.

Wararka ayaa sheegay in Dhalinyaradaan oo laga shaqaaleysiiyay Xafiisyada kor ku xusan isla markaasna ka tirsan Hey’adda NISA, ayaa bilaabay sidii loo faafin lahaa dacaayado dhan ka ah Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Hogaanka Midowga Musharixiinta.

Waxaana dacaayadooda ka mid ah Qoondada Haweenka, iney keligood tartamaan iyo Dhalinyarada oo 75% ay ku sheegeen iney yihiin tirada Dadka Soomaaliyeed islamarkaana aan loo oggoleyn iney ka qeyb galaan tartanka, Maamulada Xafiisyada UNSOM iyo Amisom ayaa la sheegay ineysan ku baraarugsaneyd dhaqdhaqaaqyada ka socda Xafiisyadooda.

124880cookie-checkMa Dhabaa In Xafiisyada UNSOM iyo Amisom Laga Shaqaaleysiyay Dhalinyaro NISA Ka Tirsan