Maleeshiyaad Burburyay Xarun Isgaarsiineed Duleedka Mandheera

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegayaa Maleeshiyaad hubeysan oo burburiyay xarun isgaarsiineed oo laheyd Shirkadda Safaricom kuna taalay Duleedka Magaalada Mandheera ee Waqooyi-Bari Kenya, sida laga soo xigtay ilo wareedyo…

Waxaana la sheegay in Maleeshiyaad aad u hubeysan oo tiradoodu lagu 50- Dabley ayaa weerar ku qaaday xarun isgaarsiineed oo ku taal degaanka Sarman oo 20-km u jirta Magaalada Mandheera dhanka Xadka Kenya iyo Somalia, isla markaasna ay burburiyeen Xarun anteeno oo ay laheyd Shirkadda talefoonada Ee Safaricom, kuwaasoo kadib u baxsaday Dhanka Somalia.

Weerarkaan ayaa la sheegay inuu Dhacay habeen hore, wuxuuna noqonayaa kii 12-aad tan iyo biliwgii Sanadkaan, lagana fuliyo duleedka Degaanada Mandheera Kenya, iyadoo Howlgaladaan kooxaha hubeysan ay ku naf waayeen 3-qof oo Soomaali ah halka 3-kale la afduubtay, Dowlada Kenya Ayaa Maamulka Farmaajo ku eedeysay inuu Jabhad hubeysan ka dhisay Magaalada B/Xaawo.

88540cookie-checkMaleeshiyaad Burburyay Xarun Isgaarsiineed Duleedka Mandheera