Farmaajo Oo C/Shiid Janan U Diray Addis Abeba

Somalia news

Ilo Wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Farmaajo oo dib u dhac kaga yimid qaabkii uu ula heshiiyay Ninka ay isku jufada yihiin ee C/rashiid Janan wasiirki hore ee Amniga Jubbaland ayaa kula taliyay inuu muddo ku noolado Magaalada magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, isla markaasna balanqaaday dhaqaalaha ku baxaaya…

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in safarka Janan ay wada qorsheeyeen Farmaajo iyo Saraakiil Sirdoon oo Ethiopian ah, waana safarkii ugu horeeyay ee uu kaga baxo Muqdisho tan iyo markii bishii March uu isku soo dhiibay dowladda Federaalka.

Macluumaad kala duwan ayaa ka soo baxaya Safarka C/rashiid Janan ee Addis Ababa oo uu ku wehliyo Wasiiru Dowlaha Gaadiidka C/raxmaan Dheere oo ahaa shaqsigii Farmaajo iyo Fahad u Xil saareen inuu hoggaamiyo wada hadalkii iyo qorshihii C/rashiid Janan isugu soo dhiibay dowladda.

Ilo kala duwan ayaa sheegaya in qorshe ku saabsan dhaq dhaqaaqyada Gobolka Gedo uu u tagay Addis Ababa, halka warar kalena sheegayaan in arrimo Baasabor uu u tagay iyo sii deganaado inta Doorashada ka dhamaanesyo.

125430cookie-checkFarmaajo Oo C/Shiid Janan U Diray Addis Abeba