Milyineerka Somalia Ka soo jeeda oo Hanti badan ka Macaashay Meherda Turjubaanimo

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa Milyineer Soomaaliyeed oo Macaash badan ka sameeyay Meherada Turjubaanimada ee Luqadaha Carabiga iyo Soomaaliga, Maxamed Xuseen oo Da’diisu lagu sheegay 32-sano jir ayaa ka mid ahaa 8-caruur ah oo Qoyskooda ka kooban yahay, waxeyna degan yihiin Waqooyiga Virginia ee USA…

Waxaana la sheegay inuu Maxamed uu dhibaato badan ku qabay inuu helo dhaqaale uu mareeyo noloshiisa, taasoo ku qasabtay inuu la yimaado halabuur iyo Howlkarnimo guuleysata, isla wakhtigaasi ayuu bartay luqada Ingiriiska, kadibna Wuxuu aasaassy Shirkad (PGLS) Piedmont Global Language Solution Sanadkii 2013, Shirkadaan ayaa fadhigeedu yahay magaalada Arlington ee Gobolka Virginia.

Shaqooyinkii ugu horeeyay ee Shirkadu qabatay waxaa ka mid ahaa iney ka turjubaan Seyladaha Xoolaha ee Sacuudiga, halkaasoo ay noqotay fursad inuu ku barto Luqada Carabiga, wuxuu ku sugnaa muddo 5-sano Dalka Sacuudiga isagoo Jaamacad ka galay kuna takhasusay Diinta iyo Falfasada, wuxuuna ku baraarugay baahida adeegyada Luqadaha sida Warshadaha.

Shirkada ayaa la sheegay iney diiwaangelisay sanadkii 2921-kii Macaash faa’iido oo dhan 32-Millions US$, waxaana ka shaqeeya 57-Qof, iyadoo adeegyada ugu ee ay Shirkaddu bixiso ay yihiin Adeega Turjubaanimo iyo howlo kale, Shaqaalaha ayaa ku hadla in ka badan 200 oo luqadood, iyagoo ka soo wada jeeda 18-Dal.

208270cookie-checkMilyineerka Somalia Ka soo jeeda oo Hanti badan ka Macaashay Meherda Turjubaanimo