Wasaarada Maaliyada Kenya ayaa la sheegay iney si cad u sheegi weysay dhaqaale ay EU-da u soo gudbiyeen Wasaarada Gaashandhigga Kenya, dhaqaalahaan oo qeyb ka ah Maalgelinta lagu kabo Ciidamada AU-da Ee ka howlgala Somalia, qeybna ka ah la-dagaalanka Kooxaha argagixisada…
Xoghayaha Maaliyadda Kenya Mr.Julius Muia, ayaa ku guuldareystay inuu sharaxaad ka bixiyo 23-millions US$ ah oo ka maqan dhaqaalaha uu AU-da ugu talagalay Ciidamada la dagaalama Kooxda argagixisada Shababka ee ku sugan gudaha Somalia, Warbixin ka soo baxday Hantidhowraha Kenya Ee Misaaniyad sanadeedka 2018-19, ayaa lagu sheegay in dhaqaalahaasi uusan soo gaarin Kenya.
Guddiga Baarlamaanka ee Arrimaha Maaliyada Kenya ayaa Su’aalo ka weydiiyay dhaqaalaha maqan Xoghayaha Maaliyada Kenya gaar ahaan farqiqa u dhaxeeya warbixinta Hantidhowraha iyo diwaankii uu horey u soo gudbiyay Wasiirkii hore kuna aadan kharashaadka ku baxa Ciidamada Kenya ee ku howlgala magaca Amisom.
Midowga Europe ayaa jaray dhaqaalihii uu siin jiray Ciidamada Kenya Ee ka howlgala Somalia, iyadoo bishii Hore laga jaray 66% oo qiyaastii noqoneysa 45-millions US$, arrintaan ayaa dhaqan galeysa sanad-maaliyadeedka cusub ee Bishaan Luuliyo, maadama ay soo dhowaatay qorshaha ah iney ka baxaan Ciidamada AU-da ama Qorshe cusub oo ay ku howkgalaan ay ansixiyaan Golaha Amaanka Ee Qaramada midoobay.