Musharax Laga Horjoogsaday inuu U Dhoofo Magaalada Baydhaba

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa is-hortaag lagu sameeyay Mr.Shariif Xasan Sheekh Aadan Asaasihii Maamulka Konfur galbeed oo saakay u qorsheysneyd inuu u safro magaalada Baydhabo si ugu qeyb galo tartanka Doorashada..

Wararka ayaa sheegay in Maamulka Konfur galbeed ayaa ku wargeliyay Shirkadaha diyaaradaha & Saraakisha NISA ee Garoonka Diyaaradaha ineysan soo qaadi karin Musharax Shariif Xasan oo Kursiga Beeshiisa uu horey ugu fadhiyay Wiilkiisa Cabdulqaadir Shariif.

Talaabadaan ayaa u muuqata mid Lafta gareen uu ku boobaayo Kursigaasi, isagoo horey ugu diiday inuu ka soo baxo magaalada Mogadishu Gudoomiye kuxigeenkii Baarlamaanka Mr.Cabdiwali Sheekh Muudey oo muddo 4-sano ah taageero jidbeysan u ahaa Farmaajo.

173300cookie-checkMusharax Laga Horjoogsaday inuu U Dhoofo Magaalada Baydhaba