Diraayad Ay Ciidamada Ethiopia Leedahay Oo Shil Ku Gashay Xuddur

Africa News

Faahfaahin ayaa laga helayaa Diyaarad ay leeyihiin Ciidamada Ethiopia ayaa ku soo dhacday Garoonka diyaaradaha Dagmada Xudur ee xarunta Gobalka Bakool sida ilo dhanka amaanka ah u sheegeen Warsidaha Diinah.com news…

Wararka ayaa sheegay in Diyaaradaan oo nooceedu yahay kuwa qumaatiga ah u kaca ee loo yaqaan  “Helicopter” ayaa sahay u siday ciidamada Milatariga Ethiopia ee nabad ilaalinta u jooga Somalia waxa ayna ku soo dhacday garoonka diyaaradaha magaaladda Xudur, Saraakiisha amaanka amaanka ayaa dhankooda sheegay in aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay, marka laga reebo in diyaaradda burbur kooban soo gaaray.

Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Xuddur ayaa dhankooda Warsidahaan u sheegay in hada garoonku dib u bilowday howlihii caadiga ahaa diyaaradana lagu bilaabay dib u habayn, Saraakiisha Ciidanka Ethiopia ma sheegin sababta keentay burburka diyaaradda ka soo dhacday magaaladda Xudur.

130710cookie-checkDiraayad Ay Ciidamada Ethiopia Leedahay Oo Shil Ku Gashay Xuddur