Maxaa Xiligaan Israel’s Ku Riixay Iney Codsi u Dirsato AU-da

Africa News

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel (Yuhuuda) ayaa soo saartay Qoraal ay ku sheegtay iney ku biireyso Ururka Midowga Afrika ee fadhigiisu yahay Magaalada Addis Ababa ee xarunta Dalka Ethiopia, Talaabadaan ayaa u muuqata mid ay kaga fogaaneyso xiriirka kala dhaxeeya EU-da…

Dhaqdhaqaaqan Siyaasadeed ayaa daba socotay kadib markii Danjiraha Israel ee Addis Ababa uu warqad codsi ah uu u gudbiyay Guddoomiyaha Midowga Afrika Mousa Faki Mahamat oo ah inuu daneynayo in kor joogto uu ka noqdo howlaha Ururka.

Warbaahinta Yuhuuda oo soo xiganeysa Diblumaasiyiin kala duwan ayaa tabisay in Israel dano gaar ah ay ka dhex aragtay Qaaradda Afrika iyada oo usoo mareyso waddooyin kala duwan si ay ugu yaraan kor joogto uga noqoto AU-da.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuhuudda Yair Lapid ayaa yiri “Maanta waxa ay dabbaaldeg u tahay Israel & Afrika oo xiriir wadaagaya” hadalkaas waxa uu muujiyay in Guddoomiyaha Midowga Afrika uu ugu yaraan aqbalay dalabka Danjiraha ama ballanqaad uu u sameeyay.

Maxay tahay Sababta Israel ay u daneyneyso Afrika?

Siyaasadda Yuhuudda ayaa is furfurtay sanadkii 2020, waxa ay xoogga saartay dhinaca diblumaasiyadda iyada oo xiriir la sameysatay Dowladaha Carabta qaarkood oo si cad ugu dhawaaqay in ay heshiis la galeen.

Diblumaasiyiin si dhaw ula socda qorshaha cusub ee Israel ayaa sheegay in Xukuumadda Yuhuudda ay daneyneyso in ay waji cusub u sameyso dagaalka aan dhamaadka lahayn ee ay la gashay Falastiin.

Marka aynu eegno waxa ay daneyneysaa in ay xiriir la sameyso 55-ta Dal oo haatan xiriir ay kala leedahay in ka badan 10-Waddan, qorshaha ay ka leedahay waa in ay Qaramada Midoobay uga heshaa garab marka ay gaarto arrimaha ay uga baahan tahay codeynta.

131060cookie-checkMaxaa Xiligaan Israel’s Ku Riixay Iney Codsi u Dirsato AU-da