Rooble Oo Xilalkii Saraakiil NISA Ka Tirsan

Somalia news

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xilka ka qaaday C/llaahi Kulane oo ahaa Madaxa Shaqaalaha NISA iyo Madaxii Nabadsugida ee Garoonka Aadan Cadde C/wahaab Sheekh Cali, kaddib markii maanta ay jabiyeen amarkii Wasiirka 1-aad ee ahaa in aan garoonk diyaaradaha Aadan Cadde lagu xayiri karin Muwaadiniinta Soomaaliyeed…

Horjooge C/llaahi Kulane ayaa ahaa nin Awood badan ku lahaa NISA, sidoo kale malafka Arrimaha Gobolka Gedo ninka hoggaaminayay ayuu ahaa, awooddiisa NISA waxay gaarsiisneyd sida Taliye Kuxigeen NISA.

“Saakay waxaan aaday garoonka diyaaradaha anigoo u socda Garbahaarey, anoo dareemaya in la isoo celin doono, laakiin amarkii Ra’iisul Wasaaraha markuu baxay waxaa go’aan qaatay in aan qof la soo celin doonin, nasiib darro aniga iyo inta ila socotay waxaa nala yiri diyaarada ma raaci kartaan qolada diyaaradda ayaa lala soo hadlay, ninka amarkaas soo bixiyay waa C/llaahi Kulane, waxaan ku qanci karnaa Ra’iisul Wasaaraha inuu Kulane Jiis awoodda uu ku faanayo inuu ka qaado”ayuu yiri Macalimow

131010cookie-checkRooble Oo Xilalkii Saraakiil NISA Ka Tirsan