Mareykanka Oo Shirkado Ethiopian ah Ku Soo Rogaaya Cunaqabateyn

Africa News

Maamulka Washington ayaa qorsheynaaya inay cunaqabatayn ku soo rogaan tiro Ganacsato iyo Shirkado Ethiopian lagu eedeeyay iney qeyb qaatay dagaalka Gobolada Waqooyiga ka socda, sida ila xog ogaal ahi sheegeen, USA ayaa dooneysa inay culays saarto Maamulka Abiy Ahmed oo ka dhaga adaygay in wadahadalada ay qorsheeyen in lagu damiyo dagaalada…

Wararka ayaa sheegay in Shirkadaha la hadal hayo ayaa waxaa ka mida Dhirkada Ethiopian Airlines oo lagu eedeeyey inay ciidamada Ethiopia iyo hubka u daabusho furimaha dagaalka, Bankiga Ganacsiga Ethiopia oo ah Bankiga ugu weyn Ethiopia ayaa asna la magac dhabay. Bankigan ayaa akoono ku leh Bankiga New York Federal Reserve Bank.

Labadan shirkadood ayaa la sheegay inay laf dhabar u yihiin dagaalka Dowladda Federaalka Ethiopia ka wado waqooyiga wadanka oo USA wakhtigan u aqoonsan yahay dagaal isir beegsi iyo xasuuq lagula kacay Qawmiyad gooniya, sidoo kale Ganacsato ka soo jeeda Quemiyadaha Oromada iyo Amxaarada ayaa la sheegay iney dhaqaale ku bixiyaan dagaalada.

137740cookie-checkMareykanka Oo Shirkado Ethiopian ah Ku Soo Rogaaya Cunaqabateyn