Share the post "Maxaa Ku Riixay Maamulka Farmaajo Iney Aamusan Taliyaha Cusub Ee Ciidamada Amisom"
Muddo aan sidaas u fogeyn Maamulka Farmaajo wuxuu welwel ka qabay Ciidamada Kenya Ee ku sugan degaano ka mid ah Jubooyinka, iyagoo dacwado badan ka gudbiyay Ciidamadaasi, xitaa ay gaaraan in lagu bedelo kuwo ka Socda Eritrea, inkastoo ay ka mid yihiin Ciidamada Kenya kuwa Nabad ilaaliyaal ka ah Somalia…
Dowladda Federaalka ayaa ku eedeysay Ciidamada Cirka Kenya iney Dad rayid ah ku laayeen Degaano ka tirsan Gobolka Gedo, waxeyna ugu baaqeen in La-tashi la la sameeyo Maamulka Villa Somalia ka hor duulaanka, iyagoo sidoo kale ku eedeeyeen iney la safteen Maamulka Jubbaland Ee Sheekh Axmed Madoobe.
Ilo Wareedyo loo qaateen ah ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Taliyaha Ciidamada Amisom uu sanadka cusub la wareegi doono Lt. Gen.Albert Kondagor, (Kenya) wuxuuna bedeli doonaa Taliyaha Ciidamada Amisom Gen.Diomede Ndegeya, (Uganda) Sarkaalkaan Kenyan ah ayaa xiligaan ah kuxigeenka guud ka ah Ciidamada Kenya.
Taliyaha Ciidamada Amisom ayaa xilka la wareegi doona sanadkaan cusub wuxuu ka degi doonaa sanadka 2023-ka, Saraakiisha Ciidamada Kenya ayaa laga soo xigtay iney sii joogi doonaan Dalka hadii xitaa ay Ciidamada Amisom ka baxaan, iyadoo Dowladda Federaalka ay si hoose u oggolaatay iney sii joogaan.
Hadaba Maxaa Aamusiyay Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo!!?