Shababka Oo Kolonyo Gadiid Dagaal Ku Weeraray Degaan Hoos Taga Galmudug

Somalia news

Maleeshiyaadka Kooxda argagixisada Shababka ayaa sheegtay iney weerar is-miidaamin ah ku qaadeen kolonyo Gaadiid oo uu la socday Taliyaha Ciidamada Lugta, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba Leh oo soo gaaray Ciidamada Dowladda iyo Galmudug…

Sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Amaanka Qaraxaan ayaa ahaa gaari laga soo buuxiyay Walxaha qarxa, iyadoo lagu bartilmaameedsaday Kolonyada Gaadiid ah oo uu la socday Maxamed Tahliil Biixi wuxuuna ka dhacay degaanka Hareeri dheere oo dhowaan laga Saaray Maleeshiyaadka Shababka.

Waxaana ku dhintay 5-Askari oo mid yahay Sarkaal magaciisa lagu sheegay Dayib Ismaaciil Cali oo ka tirsanaa Saraakiisha Galmudug, Kollonyadaan ayaa ku sii jeeday Tuulada Qeycad Ee Gobolka Mudug oo dhowaan ay la wareegeen Ciidamada isku dhafka ah.

133490cookie-checkShababka Oo Kolonyo Gadiid Dagaal Ku Weeraray Degaan Hoos Taga Galmudug