Puntland Oo Bedeleysa 80% Senatorada Uga Wakiilka Ah Aqalka Sare

Somalia news

Maamulka Puntland ayaa la sheegay iney soo afmeerden wada tashiyo ku Aadan xulashada Musharixiinta kuraasta (11) Aqalka Sare ku metali doona 4-ta sano Ee soo socota, iyadoo la sheegay in 80% Wakiilada xiligaan la bedeli doono isla markaasna ay soo bixi doono Wakiilo cusub..

Musharixiintaan oo dhowr iyo toban gaaraya ayaa ku loo lami doona 11 kursi oo katirsan aqalka sare ee Soomaaliya gaar ahaan kuwa degaan doorashadoodu tahay Puntland laguna qaban doono magaalada Garoowe, Liiskaan ayaa waxaa la sheegay inay kujiraan shaqsiyaad ku cusub masraxa siyaasadeed ee Somalia, kuwo ku gaamuray iyo Haween, iyadoo laga reebay rag ay siyaasad ahaan is hayaan madaxtooyada Puntland iyo kuwa la safnaa Villa Somalia.

-Senator Cabdiraxman Faroole ayaa la sheegay inuu ku soo laaban doono Senator-nimada.

-Kursiga uu ku fadhiyay Axmed Maxamed Mashruuc oo ka soo galay Gobolka Bari, waxaana lagu wadaa inuu bedelo Cabdisamad Yuusuf Abwaan ( Beesha Cali Saleysan).

-Kursiga uu ku fadhiyo Senator Cumar Cabdirashiid Ali ayaa la bedelayaa, waxaana lagu wadaa inuu bedelo Ganacsade Daahir Ayaanle.

-Kursiga uu ku fadhiyo Senator Bootan Barre Samantar, ayaa lagu wadaa in lagu bedelo siyaasiyin ka soo kala jeeda Gobolka Mudug. Gaar ahaan Madaxa sirdoonka Puntland (Mukhtaar Jeyte).

-Kursiga uu ku fadhiyo Senator Cabdirisaaq Cusmaan Juriile, ayaa lagu wadaa in la bedelo oo uu Xildhibaan noqdo, Waxaana ku tartami doona Saciid Maxamed Raage iyo Saciid Majiino Wasiir Puntland ah.

-Kursiga Senator Shukri Aadan Maxamed, waxaana lagu wadaa in qoonadada Haweenka laga wareejiyo, waxaana lagu wadaa in loo xusho Maxamed Cali Gaagaab iyo Cabdi Cabdullaahi Goley, kurasigaan ayaa Farmaajo la rabay La-taliyihiisa xagga Amniga.

-Kursiga ay ku fadhiday Senator Saciid Xasan oo ka soo jeeda Gobolka Sanaag ayaa lagu wadaa in lagu bedelo Seynab Maxamuud iyo Safiya Daahir Awaare.

-Kuraasta ay ku fadhiyaan Cabdisalaan Maxamuud iyo Hodan Maxamed Cusmaan, Gobolka Sool waxaana lagu bedelayaa laba Gabdhood.

-Kursiga u ku fadhiyo Farxaan Cali Xuseen ayaa lagu wadaa inuu ku soo laabto sababo jira awoogood Musharixiinta ayaa lagu tuhmayaa iney la safan yihiin Farmaajo

-Kursiga uu ku fadhiya Senator Mahdi Daahir Sheekh Waxaa lagu bedeli doonaan Wasiir dowlaha Duulista Puntland.

133250cookie-checkPuntland Oo Bedeleysa 80% Senatorada Uga Wakiilka Ah Aqalka Sare