Wararka naga soo gaaraya Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in dhisme ku yaal Xaafada Soomaalida ku badan tahay ee Isli maalintii shalay dhisme Ganacsi oo ku yaal loo xiray cabsi qarax, kadib markii Qoraal hanjabaad ah lagu daadiyay Dhismaha hortiisa…
Warbixino laga helay Laamaha Amaanka Kenya ayaa xaqiijiyay in dad aan la aqoon Ay dhismaha hortiisa kaga tageen Qoraal hanjabaad xambaarsan mid ka mid ah Gudaha Wish-shaka dhismaha Yare Towers ee Garissa lodge, Qoraalka ayaa u qornaa sidaan “in daqiiqad kasta oo ka mid ah saacadaha soo aadan uu gudaha dhismaha Qarax ka dhici karo”.
Kadib Saraakiisha Amaanka Kenya ayaa goobta gaaray iyagoo ay wehliyaan kooxaha ka hortagga qaraxyada, si ay u xaqiijiyaan bad-qabka dhismaha iyo Nabadgelyada Dadka Ganacsatada iyo Macaamiisha, inkastoo markii hore ay Dadka ka argagaxeen, haddana Xaalada ayaa la sheegay iney degan tahay.
Dalka Kenya ayaa waxey ka mid tahay Dalalka ay naafeeyeen falalka argagixisada ee Kooxda Shababka ka fuliso geeska Africa, wallow bilooyinkii ugu dambeeyay aysan la kulmin Magaalada Nairobi falal argagixiso iyo rabshado amni kaga yimaada Kooxda Shababka, hadana waxaa weli taagan cabsida laga qabo.