Maxey Farmaajo & Fahad u Diidan Yihiin Dib u Habeynta Hey’adda NISA

Somalia news

Hey’adda NISA ayaa tan iyo Xiligii Kacaanka aheyd Hey’ad ku howl gasha si qarsoodi ah oo aan sharciyada iyo Dastuurka Dalku aanu qaban, waxaana Taliskii Kacaanka u adeegsan jiray caburinta, cabsi gelinta Shacbiga, Dilalka qarsoon iyo xariga sharci darada ah…

Dowladda Federaalka iyo Maamulada isaga dambeeyay xukunka dalka ayaa ka gaabiyay iney dib u habeyn balaaran lagu sameeyo Howlaha Hey’adda NISA, lana jaan qaadi karta Nidaamka Federaaleynta ee Dalka loo xulay, iyadoo Madaxweynaha la soo doorto uu ka door bidaayay dib u habeynta iney Hey’adda ay gacantiisa ku jirto kuna caburiyo Shacbiga iyo Mucaaradka.

Hogaanka Hey’adda ayaa lagu Eedeeyay iney faraha la gashay Arrimaha Siyaasada, iyadoo loo dhisay Ciidamo Hubeysan magacyo kala duwan loo bixiyay, kuwaasoo loo adeegsaday weeraro dhiig ku daatay oo lagu qaaday Siyaasiyin, Muwaadiniin iyo Maamul Goboleedyo, sidoo kale waxey Hogaankeedu faraha la galeen dhismaha Maamulada iyo Arrimaha Doorashada, ku darsoo Dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa Tababaro loogu qaaday dalka Eritrea.

Xiligaan kala guurka ah ayaa Hogaanka NISA lagu Eedeeyay iney xiriir dhow la yeelatay Horjoogayaasha Kooxda argagixisada Shababka, sidoo kale waxey dilal bareer ah ku fuliyeen Saraakiil Hey’adda ka tirsan, iyadoo Maamulka Villa Somalia uu si cad u hor istaagay in Baaris lagu sameeyo Saraakiisha la dilay isla markaasna uu difaaco Hogaankii xilka laga xayuubiyay isagoo ku abaal mariyay inuu la-Taliye xagga Amniga ka dhigto.

142390cookie-checkMaxey Farmaajo & Fahad u Diidan Yihiin Dib u Habeynta Hey’adda NISA