Kulankii Ugu Dambeeyay Ee Khilaafka Farmaajo & Rooble Oo Fashilmay

Somalia news

Kulamadii ugu dambeeyay ee lagu dhameynaayay Khilaafka ka dhex oogan Rooble iyo Farmaajo ayaa la sheegay inuusan wax horumar ah uusan sameynin kadib markii dhinaca Villa Somalia ay la soo Shir tageen qorshayaal aan maangal aheyn oo Maslaxada Shacbiga iyo midna Qoyska Dhibanayaasha ah aan ka turjumeynin…

Qorshaha Villa Somalia:-

Waxey soo bandhigeen in Xildhibaan Cabdiraxman Dheere oo ah Gacan yaraha Eedeysane Fahad Yasin loo magacaabo Agaasimaha NISA, iyadoo Ras’iisul Wasaaradaha uu sheegay in (redline) ay tahay oo aan la aqbli karin, sidoo kale Wasiirka Amniga iyo Kiiska Sarkaaladi la Dilay ay la mid yihiin.

-In Bashiir Goobe loo magacaabo Wasiiru Dowle.

-Kooxda Farmaajo ayaa soo jeediyay in La qeybsado Taliyaha & Kuxigeenka.

-In Wasiirka Amniga loo wareejiyo Wasaarada Ganacsiga.

-Mar hadii la heshiin waayay waxey Villa Somalia soo jeediyeen in Dowlad Qatar ay dhexdhexaadiso labada dhinac oo safar lagu Wada tago Magaalada Dooxo, iyadoo la diiday dalabkaasi.

Garabka Wasiirka 1-aad:-

-In Kiiska Ikaraan Tahliil loo daayo Maxkamada Ciidamada baarista iyo ka gungaarista dacwada.

-In Wasiirka Amniga uu lama taabtaan yahay.

-In fara gelinta awoodaha Wasiirka 1-aad Ee Doorahada iyo Amniga laga daayo.

-In Agaasimaha NISA uu si KMG ah u hayo Agaasimaha cusub inta laga heshiinaayo Khilaafka jira.

Xeeldheerayaasha Arrimaha Somalia ayaa aamisan in mar hadii saameyntii Doorashada iyo Amniga Ee Farmaajo salka dhulka loogu dhigay ineysan wax macno weyn ah sameyneynin in wakhti badan lagu lumiyo heshiis la la gaaro Kooxda Villa Somalia, iyadoo Shacbiga Soomaaliyeed ay ka dheregsan yihiin in Farmaajo aan lagu aamini karin waxar jabtay Siyaasadana uu ku Fashilmay Ee Waa inuu Wasiirka 1-aad horey uga socdaa oo Howlaha Doorashada iyo amniga horey u dhaqaajiyaa.

142320cookie-checkKulankii Ugu Dambeeyay Ee Khilaafka Farmaajo & Rooble Oo Fashilmay