Galmudug oo Amaro Ka Soo Saartay Koonfurta Gaalkacyo

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo Ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Maamulka Degmada uu soo saaray Qoraal uu ku amraayo Milkiilayaasha Hoteelada inaysan ogolaanin in hoteelada lagu qabto shirar aan fasax looga haysan Maamulkooda..

Qoraal uu ku saxiixnaa Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo ee qaybta Galmudug, Cabdiraxmaan Sheekh Xasan ayaa lagu sheegay in tallaabadani ay qayb ka tahay dadaalada lagu xaqiijinayo amniga magaalada, Qoraalka ayaa u qornaa “Dhammaan milkiilayaasha ama Maamulayaasha Hoteelada iyo Goobaha shirarka ee ku yaala Degmada Gaalkacyo waxaa la farayaa in aysan ogolaanin in wax shir ama siminaar ah lagu qabto hoteeladooda ama xarumahooda, iyadoo aan la wadan warqadda rusqada shirarka, ee ay bixinayso Maamulka Degmada Gaalkacyo.”

Sidoo kale waxaa la farayaa qof kasta ama urur kasta oo qabsanaya shirarka in uu waraaqda ruqsada soo weydiisto Maamulka Degmada Gaalkacyo. Arrintani waxay qayb ka tahay sugidda amniga ee Degmada Gaalkacyo, waxaana masuuliyad iska saari doonnaa inaan xaqiijino amniga bulshada ku nool Degmada Gaalkacyo.”

145530cookie-checkGalmudug oo Amaro Ka Soo Saartay Koonfurta Gaalkacyo