UK Oo Ku Biireysa Saamileyda Dekada Berbera

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa heshiis ay wada gaareen Shirkadda Dekedaha Dp World ee UAE iyo Wakaalada Dowladda UK u qaabilsan Horumarinta Dekedaha Ee CDC Group, Heshiiskaan ayaa dhigaaya iney si wadajir ah u maalgeliyaan 3-dekadood oo ku kala yaal Qaarada Africa…

Heshiiskaan ayaa la sheegay in lagu maalgelinaayo Dekedaha Ain Sokhna ee Dalka Egypt, Dekada Dekar Ee Senegal iyo Dekada Berbera, waxeyna u qorsheeyeen iney ku maalgeliyaan Dhaqaale dhan 1,72 Bilyan oo US$ ah, si kor loogu qaado kaabayaaaha iyo balaarinta dekedaha.

Dhaqaalahaan ayaa la sheegay iney ka kala imaan doonaan DP World 1-Bilyan iyo CDC Group oo balanqaaday 320 millions US$, iyadoo ay suurto gal tahay iney ku kordhiyaan 400 US$ oo maalgelin ah, waxeyna iska kaashanaayo doonaan qeybaha qeybaha keyd inta Konteenarada iyo Saldhigyada xarumaha Ganacsiga.

145580cookie-checkUK Oo Ku Biireysa Saamileyda Dekada Berbera