Madaxweynaha Turkiga ayaa u safar shaqo iyo mid ganacsi ku maraaya dalal ka tirsan Waqooyiga Qaarada Afrika, Dalalkaan ayaa u muuqda aag muhiim ah marka laga hadlayo damaca Turkiga ee ku wajahan Qaaradaan oo ay ku loolamayaan Mareykanka, Shiinaha, Russia & Turkiga oo 10kii sanno ee u dambeeyey galaangal lahaa, hadana warshadihiisa hubka ay si weyn indhaha ugu hayaan…
Mr.Erdogan ayaa socdaalkiisa hadda ku tagay Sadex wadan oo uu muhiim u arko, waa Angola, Togo & Nigeria, dhammaan waa marino muhiim ah, gaar ahaana marka la eego Nigeria oo lagu wado iney 24-heshiis kala saxiixdaan, isagoo ( Mr.Erdogan shalay soo gaaray Magaalada Abuja.
AFRIKA & TURKEY!
Turkigu, wuxuu hadda saameyn ku leeyahay dhinacyada Afrika ee Siyaasadda, Maalgashga, Kaabyaasha dhaqaalaha, Waxbarashada, Gargaarka Aadanaha & Milateriga, taasina waa mid kamuuqata wadamo ay kamid yihiin Somalia, Kenya, Ethiopia, Maroco, Libya.
2005-tii ka hor, Dowladda Turkiga Afrika waxay ku lahaayeen 12 Safaaradood, Sanadkaan 2021-ka tiradaasi waxay kor u dhaaftay 42 Safaaradood, mida ugu weyn ayaana ku taala dalka kasoo kabanaya dagaalada mudada dheer ee Somalia, oo ay Turkigu doonayaan inuu noqdo wadan ay ka galaan Afrika oo dhan.