Wakiilka UN-ka Oo Qorqor Ka Dalbaday 2-Qodob

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulan muqaal araga fog Oo ay Wada yeesheen Wakiilada UN-ka ee Somalia iyo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug, Kulankaan ayaa looga dooday Qodobo dhowr ah, kuwaasoo ay ugu horeeyaan Xiisada Colaadeed Ee ka taga. degaanka Guricel iyo Doorashada..

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Wakiilada Beesha Caalamka ay ka dalbadeen Qorqor inuu si deg deg ah u qabto Doorashada labada kursi Ee Senatorada ka dhiman iyo inuu xaalada Colaadeed Ee degaanka Guricel ku dhameeyo Nabad iyo wada hadal, Wakiilada ayaa welwel ka muujiyay barakaca Dadka Rayidka ah iyo Kuwa kale Ee dhibaatada ka soo gaari karta Dagaalka.

Ilo Wareedyo Loo qaateen ayaa sheegay Qorqor iyo Gacanyarayaashii ay qorsheeyeen iney weerar ku qaadaan degaanka Guricel maalmaha soo socda iyagoo 3-4 jiho ka soo geli doona, hadiiba ay jebiyaan difaacyada Xoogaga Suufiyada, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Ciidamo Ethiopian ah ay ka mid yihiin Gulufka Colaadeed ee ay Wada qorsheeyeen Farmaajo iyo Qorqor.

146670cookie-checkWakiilka UN-ka Oo Qorqor Ka Dalbaday 2-Qodob