Ma Dhabaa in Saraakiil & Ciidamo Ethiopian ah ay Ku Sugan yihiin Hargeysa..

Africa News Somalia news

Madaxweynaha Somalia ayaa qiray intii uu socday Kulankii Midowga Afrika in 200 oo Saraakiil iyo Ciidamada Ethiopia iyo ciidamada Amaanka ay xarun howlgal ka hirgeliyeen magaalada Hargeysa, Iyadoo Ciidamadaan loogu tala gala iney hordhac u noqdaan kuwo badan oo dhawaan la soo gelin doono…

Xogo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Saraakiil sare oo Ciidamada Ethiopia ayna ka mid yihiin General Getachew Gudina iyo General Solomon ayaa si qarsoodi ah safar ugu tagay magaalada Hargeysa si ay wadahadalo qarsoodi ah ula yeeshaan Muuse Biixi, Nuux Taani, Sacad Cali Shire iyo General Cabdisemad Diiriye Gamgam.

Wararka ayaa sheegaya in Abiy-ga Ethiopia uu ku amray Wasaarada Gaashandhigga in shixnado hub, Rasaas iyo tababaro la siiyo kooxda Falaagada Waqooyiga Dalka, taasoo sii kordhisay xiisadda. Dowlada Federaalka ayaa isha ku haysa xaaladda, waxayna diyaar u tahay inay qaaddo tallaabooyin lagu ilaalinayo madax banaanideeda iyo badqabka Muwaadiniinta.

Abiy ayaa wacad ku maray in Dalkiisu uu dagaal u geli doono sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen degaanada Gobolka Awdal oo ay u qorsheeyeen iney Degaanka Lughaya Dekad Ciidan ka dhistaan isagoo sidii kale balanqaaday in degaanada SSC ku soo celin doono Gacanta kooxda Muuse Biixi, isagoo u xil saaray fulinta Qorshahaan Gen.Getachew Gudina.

309620cookie-checkMa Dhabaa in Saraakiil & Ciidamo Ethiopian ah ay Ku Sugan yihiin Hargeysa..