Maxaa Ciidamada Dowlada Ka Hortaagan inay Fooda Daraan Guriceel

Somalia news

Iyadoo Madaxtooyada Villa Somalia iyo tan Galmudug ay toddobaadkii hore amar ku bixiyeen in la weeraro Xoogaga Ahlu Sunna ee la wareegay gacan ku haynta Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaynaan haddana Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug gaarin magaaladaasi…

Farmaajo iyo Qorqor ayaa tiro badan oo Ciidamada Kumaandooska Gorgor, Haramcad, Guutada 15aad ee Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Nabad Sugidda Galmudug & Maleeshiyaad Beeleed ayaa maalmihii ugu dambeysay 3- jiho ka kulaayay Magaalada Guriceel, kuwaasoo aad mooddo inay foodda gelin la’yihiin magaaladaasi, waana xilli aan si rasmi ah loo ogayn waxa taasi ka hortaagan, marka laga soo taggo in boqolaal dagaal-yahano oo kuwa Ahlu Sunna ahi ay dhufeysyo kaga jiraan afaafka hore ee magaalada.

Wararka ayaa sheegay in Ciidamada, kuwii dhinaca Waqooyiga kaga sii siqaayay Guriceel ayaa ku sugan deegaanka Good-wiil oo qiyaastii 15km dhinaca waqooyi bari kaga beegan magaaladaasi, Saraakiisha Ciidamada ee Villa Somalia soo dirtay iyo Qorqor ayaa ka gaabsaday iney ka hadlaan waxaa ka hortaagan Duulaanka mudada la qorsheynaayay.

Warar ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaare Mr.Rooble uu ka horyimid in Qorshaha duulaan Ee Farmaajo iyo Qorqor ay Wada dejiyaan si loo weeraro Magaalada Guriceel, waana sababtaas baa la leeyahay midda ciidamada ka hor taagan inay gudaha u galaan magaaladaasi.

Xiisadda ka jirta Magaalada ayaa dadkii deganaa ku khasabtay inay guryahooda isaga barakacaan, kuwaa oo xaalado adag ku wajahaya duleedyadeeda, iyadoona ay isa soo tarayaan baaqyada loo jeedinayo labada dhinac, si looga baaqsado dagaal uu dhiig ku daato.

146950cookie-checkMaxaa Ciidamada Dowlada Ka Hortaagan inay Fooda Daraan Guriceel