Dagaalka Kursiga Hop#147 Oo Gaaray Heer ugu sareeyay

Somalia news

Iyada oo ay soo xoogaysteen wararka Sheegaya in madaxweynaha Galmudug Axmed Qorqor uu kursiga Hop#147 u xiray Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa xubnaha kale ee kursigaasi u hanqal taagaya sheegeen in u midoobeen sidi ay u heli lahaayeen kursigaan oo saamayn ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed…

Inkastoo Axmed Qoor Qoor uu saaxiib siyaasadeed la yahay Farmaajaha Fashilmay waxa uu soo saaray Xildhibaano ay ka go’antahay ineysan wax horumar ah gaasrsiin degaanka balse ay hirgeliyaan damaca Villa Somalia oo kaliya, ayaa laga cabsi qabaa iney xulashadoodu noqoto mid lagu hungoobo.

Kooxdaan oo ah kuwo bugaanbug ah isla markaasna qaarkood shaqaale raqiis ah u ahaa 5-tii sano u dambeysay Farmaajaha Fashilmay, ayaa haatan u cadaatay ineysan rajo ka qabin in Kursiga Hop#147 si fudud iyo boob ku hantaan bacdamaa uu diiiday Qorqor inuu taageero.

165660cookie-checkDagaalka Kursiga Hop#147 Oo Gaaray Heer ugu sareeyay