3-dii Maalmood ee ugu dambeeyay waxaa Magaalada Boosaaso ka taagnaa Xiisado colaadeed Oo u dhaxeeya Maamulka Puntland iyo Hogaanka Ciidamada PSF ( Puntland Security Forces), kadib markii Wareegto Xilka Looga Qaaday Madaxii Hey’addaasi…
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamo kala taabacsan labada dhinac ay ku wada sugan yihiin Magaalada Boosaaso, iyadoo Wada hadal hoose oo Dhanka isgaarsiinta ay Wada yeesheen Qoyska Maamula Ciidamadaan (Reer Diyaano) iyo Saraakiisha Amaanka Puntland iyadoo rajo laga muujiyay in Xiisada laga heshiiyo.
Ilo Wareedyo loo qaateen ah ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Mareykanka (CIA) oo maalgeliyo Hey’adda PSF lagu wado iney todobaadkaan soo gaaraan Magaalada Boosaaso, iyadoo ay suurto gal tahay iney xiriiro la Sameeyaan Maamulka Puntland, si xiisada xal looga gaaro.
Hey’adda PSF markii la asaasay waxaa Madax looga dhigay Marxuum Cusmaan Cabdullaahi Maxamuud ( Diyaano), iyadoo uu xilka ka qaaday Madaxwrynihii Hore Puntland Faroole isagoo ku bedelay Asad Diyaano Oo uu dhalay Cusmaan, Asad ayaa ka tagay Xilka Hey’adda wuxuuna ku wareejiyay Walaalkiis Maxamuud Cusmaan, Hey’adda ayaa ah mid Qoys xiriir wada shaqeyn kala dhaxeysa CIA Branch-ha East Africa Oo fadhigeedu yahay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.