Sarkaal UEA Ayaa Loo Doortay Madaxa Interpol

World

Shirweynaha Boliiska Caalamka Oo maalmihii ugu dambeeyay ka socday Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga ayaa Waxaa General Axmed Nasser al-Raisi Wasiirkii arrimaha gudaha UEA loogu doortay inuu madax ka noqdo afarta sano ee soo socota Hey’adda Interpol…

Sareeyahaan Imaaraadka u dhashay oo si aan wax mushaar ku qaadan doonin Xilkaan ayaa lagu eedeeyay inuu wax ka qaban waayay eedeymo loo soo jeediyay ciidamada Boliiska Imaaraadka oo xadgudubyo dhanka Xuquuqda Aadanaha iyo caburin.

Ururada u dooda Xuquuqda Aadanaha ayaa aad uga soo horjeestey doorashada Generaalkaan, Si kasta ha ahaatee Gen.Raisi ayaa xilkan ku guuleystey doorasho saddex wareeg ahayd oo ka dhacday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Waajibaadkiisa waxaa ka mid noqon doona guddoominta shirarka guddiga fulinta, kaasoo kormeeraya shaqada Xoghayaha Guud ee Jürgen Stock. Mr Stock waa sarkaal waqti buuxa ah oo kormeera hawl maalmeedka Interpol.

152830cookie-checkSarkaal UEA Ayaa Loo Doortay Madaxa Interpol