Share the post "Musaveni Oo Farta Ku Fiiqay In Qaraxyada Laga Soo Abaabulay Kenya & Somalia"
Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in weerarradii ismiidaaminta ahaa ee dhawaan ka dhacay Magaalada Kampala laga soo abaabulay gudaha Dalalka Somalia iyo Kenya, isagoo wareysi siiyay Wakaalada wararka Ee Reuters..
Mr.Musaveni ayaa sheegay in Sirdoonka Dowladiisu ay heleen caddeymo muujinaaya in weeraradaasi ay soo diyaariyeen kooxo argagixiso oo iska soo abaabulay Kenya iyo Somalia iyadoo ay mas’uuliyadiisa weerarkaasi ay sheegteen Kooxda Daacish.
Hase yeeshee dowlada Uganda ayaa u dirtey ciidamo gudaha dalka Kongo halkaasoo ay xarumo ku leeyihiin urur islaami ah oo taabacsan ururka IS, Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa waxaa mas’uuliyadooda sheegtay Kooxda Daacish, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay ilaa lix qof halka 30 kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo u badan dad rayid ah.