Caafimaadka:-Qaadka & Dhibaatada Caafimaadka Maskaxda ee Dadka Istimcaala

Somalia news

Qaadku (Catha edulis) waa geed caleen wayne ah oo ka baxa dhul waynaha bariga Africa (Ethiopia & Kenya) iyo koonfur-galbeed gacanka carabta (Yemen). Dhul ahaan, waxa uu ka baxa buuralayda heer-kulka dhexe iyo carrooyinka biyo-qabatinka leh ee qaraar iyo waliba gibilka huurka iyo diirrimaadka leh, Geedkani waa dareen cariye caleentiisa la calaaliyo, la tumo ama loo adeegsado sida caleenta shaaha oo kale, inta badan waxa adeegsada dadyowga ku dhaqan degaanada uu ka baxo…

Shacbiga Soomaaliyeed kuna baraarugsana dhibaatada Caafimaad ee laga dhaxli cunnista Caleentaan, kaasoo la degay dhaqaalaheena, siduu u dilo Wakhtiga, wuxuuna ka kooban yahay maaddooyinka Cathinone iyo Cathine, kaasoo saameyn balaaran ku leh habsami u shaqaynta habdhisyada dareen-wadka iyo dhiig-wareegga jirka Aadanaha.

Ugu dambeyntii wuxuu u horseedaa Muqayilka joogteeya inuu qaado cuddurada Dhiigkarka iyo xannuunada Dhimirka, Sida aynu ka war qabno, bulshadeenna gaar ahaan Ragga waxa aad ugu soo badanaya xannuunada Faaligga, Dhiigkarka iyo kuwa Dhimirka, cunista qaadka ayaa lagu sabaveeyaa kor u kaca joogtoda ah ee garaaca wadnahu waxa ay curyaaminaysaa hab-sami u shaqayntii wadnaha, cadaadiska dhiigga ee sare waxa uu hoosta ka jeexayaa oo uu ka jafayaa halbowleyaasha dhiigga, waxa sameysmi kara xinjiro gufayn doona xididdada dhiigga ee dhuudhuuban, waxa xirma kara halbowleyaasha dhiigga geeya maskaxda iyo wadnaha, Taas ayaa ah tan qofka ka dhigaysa inuu saacad walba halis ugu jiro in maskaxda dhiig kaga furma ama wadnuhu istaago.

Ku darsoo Dhibaatada Qaadka wuxuu halbeeg u noqday Siyaaaada Kenya, Ethiopia & Somalia, waxaana ku soo biiray Siyaasiyiin macaash doon ah kuwaasoo Saamiyo ku leh Qaadka laga keeno Ethiopia iyo Kenya, iyadoo ay xiliyadii hore ay ka xishoon jireen iney faa’iido dhaqaale ka raadiyaan soo dejinta Qaadka, tusaale (Farmaajo oo Walaalkiis) u xiray Qaadka Ethiopia halka Xasan la sheegay inuu saamiyo ku leeyahay Qaadadka Ethiopia iyo Kenya.

225080cookie-checkCaafimaadka:-Qaadka & Dhibaatada Caafimaadka Maskaxda ee Dadka Istimcaala
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com