Korontada oo Ka Maqnaan doonta Saacadaha qaar Magaalooyinka Somaliland 

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa shegaaya in Shidaal yaraan dhacday awgeed korontada, ayaa habeenkasta magaalooyinka Somaliland ka maqnaan doonta saacadaha u dhexeeya 11:00 ilaa 4:00 habeenimo marka la gaaro 1-da August…

Qoraal uu soo saaray Madaxa Iskaashatada shirkadaha korontada Ilyaas Xaamud Jibriil, oo waraysi gaar ah siiyay BBC Somali, ayaa sheegay in ay talaabadan ku kaliftay shidaal yaraanta awgeed, markaa ay rabaan iney beekhaamiyaan shidaalka ay hayaan si aanu dhakhso ugu dhamaan.

Hadaba shidaal yaraanta dhacday kadib, Shirkadaha Korontada ee Somaliland, ayaa qiimaha korontada kor u qaaday, talaabadaasi oo Maamulka Muuse Biixi uu ka horyimid isla markaana joojiyeen, kadibna waxa ku xigtay talaabadan ay shirkaduhu adeegi korontada meesha kaga saarayaan saacado kamid ah habeenkii.

196980cookie-checkKorontada oo Ka Maqnaan doonta Saacadaha qaar Magaalooyinka Somaliland 
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com