Maxey aheyd Qorshaha Loo Xiray Terminaalka Movcon Mogadishu

Somalia news

Sida ay wariyeen xogo loo qaateen ah, bilowgii todobaadkaan, Mas’uuliyiin DF iyo Wakiillo ka socda Besha Caalamka ee degan Xerada xeyndaabka Xalane ayaa ka wada hadlay qorshaha dib loogu howl-galinaayo Terminal-ka Movcon, ee garoonka Aadan Cadde, kaasoo albaada la isugu dhuftay 24ka Diseembar 2021…

Xiisadaan ayaa sidoo kale waxaa hareeyay Ciidamo ka tirsan kuwa NISA Oo hubeysan si gaar ah uga amar qaata Madaxtooyada ay weli ku sugan yihiin gudaha garoonka, kuwaasoo iska dhego tiray Qoraal uu soo saaray Wasiirka Amniga, isla markaasna lagu xoojiyay Ciidamo kale oo gurmad ahaan loogu geeyay.

Ma Isku xiran Xariga Movcon iyo Amar-diida NISA:-

Wasiirka Amniga Cabdullahi Maxamed Nuur iyo Saraakiil kale oo ka socday Dowladda Federaalka ayaa kulan qarsoodi ah, horraantii todobaadkaan la yeeshay, Mas’uuliyiinta UNSOM iyo AMISOM , kula yeeshay Xalane, kulankaasoo lagu gorfeeyay sidii lagu hirgalin lahaa hannan ciidan oo isku dhaf ah oo ka howlgala Movcon.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia,aye u cuskatay xiritaanka qeybtaan ay adeegasan jireen AMISOM, UN-ka iyo Safaaradaha ajnabiga, ee caasimadda degan ayaa ahaa in AMISOM, hor istaagtay in Boliiska Somalia ka howl-galo qeybta hubina Terminal-ka, Wararka ayaa sheegaya in hadda wakiillada shisheeye oggolaadeen in Ciidamo Soomaali ah, gaar ahaan kuwo hoos taga qebta guud ee Boliiska Gobolka Banaadir, la geeyo qeybta hubinta, si DF uga warqabto waxa ka soo degaya iyo waxa ka baxaya qeybtaan.

Halka Villa Somalia & NISA ay doonayaan in la geeyo Ciidamada Hey’adda Ee ka howlgala garoonka waana sabaabtaasi in Xiisada Garoonka xal looga gaari la’yahay waxeyna u badan tahay in aan xal laga gaarin laga cabsi qabo in Khilaafka Wasiirka 1-aad iyo Farmaajo uu saameeyo Howlaha garoonka.

Kooxda Farmaajo oo lahaa amarka lagu xiray Terminal-kan, waxeyna ku sababeeyeen iney jirto warar soo baxay oo sheegaya in Xafiisyada Villa Somalia uu tallaabadaas ku hor istaagayay Dhaqaale Malaayiin US$ ah oo ka imaaneysa mid ka mid waddamada Carbeed una socota Mucaaradka, taasoo la doonayo in loo adeegsado doorashada, waxaana xogtaasi si hordhac ah u bixiyay Saraakiil Sirdoon Qatar & Turkey.

160270cookie-checkMaxey aheyd Qorshaha Loo Xiray Terminaalka Movcon Mogadishu