Madaxtooyada Villa Somalia Oo Si Hoose ugu Dhiseysa Maamul Gobolka Gedo

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa khilaaf ugub ah oo u dhaxeeya Madaxtooyada Villa Somalia iyo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, kadib markii heshiis dhinacyo badan ay wada gaareen Madaxweynayaasha Kenya iyo Somalia…

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Dowlada Kenya ay oggolaatay iney faraha kala baxdo Saameynta Maamulka Jubbaland, isla markaasna ay gacan ka geysato sidii Gobolka Gedo loogu soo biirin lahaa Maamulka Jubbaland, waxaana la sheegay in Hirgelinta heshiiskan aan qorneyn uu hotseedi karo in Sheekh Axmed Madoobe uu Ethiopia la xirto.

Wararka ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu u xil saaray Madaxa Hey’adda NISA Mahad Salaad Oo muddo ku sugnaa Magaalada Nairobi, isla markaana uu la kulmay Axmed Dheere oo Gacanyare u ahaa Farmaajo, waxaana la xaqiijiyay inuu si hoose u abaabulay iney Gobolka Gedo gaaraan Barre Hiiraale, Cabdirashiid Janan, kuwaasoo loo diiday iney Magaalada Garbahaarey tagaan.

Sidoo kale, Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland ayaa ayaa dhawaan lagu soo rogey xanibaad gaar ah taasoo aheyd inuusan ka bixi karin Magaalada Kismaayo, markii isaga oo horboodaya xubno ay kamid yihiin Cabdirashiid Janan iyo Barre Hiiraale ay Dawladda Federaalka u xil saartay iney Maamul cusub u dhisaan Gobolka Gedo.

Dhawaan ayaa Madaxa Laanta NISA ee Gobolka Gedo Bakaal Kooke dib ugu laabtay gobalkaasi, kadib dhowr cisho uu ku sugnaa magaalada Muqdisho, dhowr kulan oo ay yesheen Bakaal Kooke iyo Taliyaha NISA Mahad Salaad ayaa ku soo dhamaaday isfaham iyo wada shaqeyn.

201710cookie-checkMadaxtooyada Villa Somalia Oo Si Hoose ugu Dhiseysa Maamul Gobolka Gedo
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com