Xiisado Colaadeed Oo Ka Taagan Magaalada Beledweyne

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada B/Weyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya, ilaa xalay Magaalada laga dareemay dhaqdhaqaaq Ciidamo iska soo horjeeda, kuwaasoo sababi kara iney ku dhex dagaalamaan gudaha Magaalada, iyadoo Dadka Rayidka qaarkood ay ka qaxeen..

Wararka ayas sheegay in Dhaqdhaqaaqyadaan Ciidan uu kusoo aaday xilli lasoo wariyay in magaalada Baledweyne uu ku wajahan yahay Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe oo markii la doortay ilaa iyo hadda aana tagin halkaas, sidoo kale waxaa lagu wadaa in lagu qabto Magaalada Doorashada Dadban ee 25-Kursi ee Xildhibaanada Golaha Shacbiga.

Xoogaga hubeysan ee Mucaaradsan Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabelle oo ku sugnaa duleedka Magaalada ayaa soo galay xalay, waxeyna ku hanjabeen iney weerar ku qaadi doonaan Mr.Guudlaawe iyo Ciidamada la socda hadii ay soo galaan Magaalada, Xiisadaan ayaa lagu eedeeyay In Villa Somalia Ay qeyb ka tahay dib u kicinta Xiisadaan kadib markii Horjoogihii Kooxdaan Diyaarad ku geysay Magaalada Mogadishu Hoteelka dejisay.

164190cookie-checkXiisado Colaadeed Oo Ka Taagan Magaalada Beledweyne