Maxaa Isku Xiray Korarka Kufsiga Iyo Xeerka Jinsiga

Somalia news

Mudoonyinkii ugu dambeeyay waxaa Degmooyinka Gobolada aad u soo kordhaayay hadal heynta iyo dooda ku aadan Xeerka Jinsiga, iyadoo ay dhinaca kale ay kordheen tirada Kufsiga iyo Afduubka Caruurta, talaabooyinka ayaa lagu fasiray kuwo xiriiro wada leh….

Dalka Somalia oo soo maray xiliyo adag oo dagaalo sokeeye iyo kuwo kooxo diimeed oo saameyn ku yeeshay Nolosha iyo Amaanka Shacbiga Ayaan marna ka dhicin in Tiro badan oo haween iyo Caruurta ah la kufsado, waxaa shaki laga muujiyay inuu jiro xiriira ka dhaxeeya kororka tirada Haweenka iyo Caruurta la kufsaday 6-Bilood Ee u dambeysay iyo Xeerka Jinsiga Ee laga soo diyaarinaaya Dalalka Skandanevian-ka.

Maalmahaan waxaa soo shaac baxaayay 5-jir iyo 7-jir la Kufsaday xataa dhacdooyinkaas ay ku lug lahayeen Odayaal 70-jira ah, Ficiladaan foosha xun iney ka dhacaan dal Muslim ah, Waa arrin caqliga saliimka ah Diiday oo xataa uusan culeys xagga Guurka ka jirin sida wadama Carabta oo kale.

Shakiga iyo tuhunka soo baxayo ayaa ah in Hey’ado ay maalgelinayaan cabsi gelinta Shacbiga si ay u taageeraan Qorshaha Xeerka Jinsiga, waxaana tuhunkaasi la la xiriirinayaa Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Dowlad shisheeye kuwaasoo doonaaya iney la dhaqaale geloot Xeerka Jinsiga, iyadoo ujeedada ka dambeysay ay tahay sidii Bulshada loogu qasbo iney taageeraan qorshahaan isla markaasna ay Diintooda iyo dhaqankooda wanaagsan u dhalan rogaan.

https://www.facebook.com/100016129659464/posts/739782879902694/?extid=98CSjHjQI02egLDf
62350cookie-checkMaxaa Isku Xiray Korarka Kufsiga Iyo Xeerka Jinsiga