Dagaalo u Dhaxeeya Daacishta & Shababka oo ka Qarxay Dhulka Buuraleyda Cal miskaad & Cal Madow…

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Dagaal mindhicireed (Intestinal war) u dhaxeeya Kooxaha Argagixisada Daacishta iyo Shababka muddo todobaad ah si xoogan uga socda Degaanada Buuraleyda ee Cal Miskaad kaasoo geystay khasaare Xoogan lagana cabsi qabo inuu ku soo faafo ama go’doon geliyo Magaalada Boosaaso…

iyadoo Xuuraanada laga helaayo degaanadaasi ay tilmaamayaan in Kooxda Shababka ee lagaga itaal roonaaday Dagaalkii waayayaan ka socday Buuraha Cal Miskaad ayaa la xaqiijiyay iney qaarkood si dhuumaaleysi ku soo galeen xaafado ka tirsan magaalada Bosaaso, iyagoo qorsheynaaya iney u gudbaan Buuraha Calmadow.

Kooxda Daacishta oo qortay Dhalinyaro shaqo la’aan ku heysta Gobolada Bari, Nugaal iyo Sanaag ayaa la xaqiijiyay iney hub iyo Saanad ka heleen Ururka Daacishta Yemen, waxeyna doonayaan iney awoodooda ku fidiyaan Magaalooyinka Boosaaso iyo Kuwo kale ee Puntland isla markaasna Kooxda Shababka ka saaraan Dhulka Buuraleyda ee Cal Madow sida degaanada Konfurta looga soo saaray oo kale.

Khubarada Amniga ayaa ka digay in xarig jiidka u dhaxeeya Villa Somalia & Maamulka Dani ee Puntland ay ka faa’iideysan karaan kooxaha Argagixisada isla markaasna ugu yaraan ku faafaan Magaalo xeebeedka Ganacsiga ee Boosaaso si ay u qabsadaan ama Baada uga qaadaan Ganacsatada iyo Dadka degaanka,.

324610cookie-checkDagaalo u Dhaxeeya Daacishta & Shababka oo ka Qarxay Dhulka Buuraleyda Cal miskaad & Cal Madow…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *