Ilo Wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay, Mr.Rooble Wasiirka 1-aad ee Dowladda Federaalka, uu maalmaha soo socda la filayaa inuu u Safar shaqo ku tegi doono dalka UEA, kadib markii uu dhawaan ku dhawaaqay in dib u hagaajin lagu sameynayo, xiriirkii diblumaasiyadeed ee labada dal…
Booqashadaan ayaa ku soo beegmeysa xili uu dagaal Siyaasadeed xoogan kala dhaxeeyo Farmaajo, iyadoo UEA ay markii ugu horreysay afar sano kadib dhawaan bilaabay galaan-galkoodii Siyaasadeed Somalia, waxayana maalmo ka hor DF ku wareejiyeen deeq Raashin una badan kuwo nafaqeysan ah iyo gargaar daawo, halka safiirkooda Maxamed Al-Cushman, uu shalay Wasaaradda Qorsheynta u gudbiyay mashaariic hor-marineed oo dowladdisu fulineyso.
Farmaajo, ayaa intii uu Xafiiska (Villa Somalia) joogay wuxuu dadaal kasta ku bixiyay sidii uu ku hor istaagi lahaa, mashaariicda Dowladda Imaaraatka ka fuliso Somalia, wuxuuna meesha ka saaray kabkii miisaaniyadeed, howlihii caafimaadka, fududeyntii dal ku galka, tababarkii Ciidamada iyo taageeradii dhaqaale oo ay bixin jireen.
Dhaqdhaqaaqaan uu Mr.Rooble wado kuna hagaajinayo xiriirka Diblumaasiyadeed ee UEA, ayaa lagu fasiray iney niyad jab ku tahay Farmaajo, Kooxdiisa iyo damaca Dowladda Qatar, ay ku dooneysa in ay isa-seejiso Somalia iyo UEA, iyadoo adeegsaneysa Adeegayaasheeda Saameynta ku lahaa Villa Somalia.
Dhanka kale, Xogo ayaa xaqiijiyay in billowga bisha Febaraayo ee foodda nagu soo heysa, ayaa la filayaa in Farmaajo iyo Fahad Yaasiin u ambabaxaan dalka Qatar, halkaas oo qiblo siyaasadeed u ahayd intii ay talada hayeen, waxayna weydiisan doonaan maal-galin Doorasho si ay mar kale u tartamaan.