Mogadishu Oo Qarka u Saaran Dagaal Sokeeye

Somalia news

Ifafaalaha soo shaac baxaaya ayaa muujinaaya in Magaalada Mogadishu laga dareemay xaalad cakirnasn ah iyo saan-Saan colaadeed, kadib markii lagu heshiin waayay Kulamadii wada tashiga ahaa Ee socday 4-tii maalmood ee u dambeysay, iyadoo laga cabsi qabo Dalku in 72 saacadood ee soo socda lagaga dhawaaqo 2 Xukuumadood iyo 2-Baarlamaan kadib markii la isku mari waayeen Xalinta Khilaafka Doorashada….

Wararka ayaa sheegaya in Kulankii xalay ay yeesheen 3-da Maamul Goboleedyada ee taageersan Maamulka muddo xileedkiisu dhamaaday ay xalay hor dhigeen Farmaajo 2-qodob isla markaasna uu ku gacan seyray inuu aqbalo, talaabadaan ayaa sii adkeysay xaalada taagan, iyadoo la sheegay in dhinacyada iska soo horjeeda ay xalay Xiligii dambe bilaabeen abaabulo.

Wararka ayaa sheegaya in Villa Somalia xalay Saraakiisha Ciidamada ay Kulamo la qaateen Madaxweynaha wakhtiga ka dhamaaday iyo Kaaliyayaashiisa iyadoo kulankaasi warbixino looga dhageystay Saraakiisha Ciidamada diyaar garowga guud Halka uu maraayo, sidii howlgalo qorsheysan loogu qaadi lahaa degaanada Hogaamiyayaasha Musharixiinta iyo guud ahaan xaalada Amaanka Ee Caasimadda Mogadishu iyo Degaanada ku xeeran.

Dhanka kale, Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in 24-kii saac Ee u dambeysa ay gudaha Magaalada ay soo galeen Ciidamo taabacsan Midowga Musharixiinta kuwaasoo ka soo ruqaansaday Degaanada Labada Gobol Ee Shabeelooyinka, waxeyna u yimaadeen sidii ay u difaaci lahaayeen Hogaamiyayaasha Midowga Musharixiinta.

106080cookie-checkMogadishu Oo Qarka u Saaran Dagaal Sokeeye