Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mr.Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ku jooga Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa kulan la yeeshay Dhaxal sugaha Abu Dhabi ahna Kuxigeenka Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida ee Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zaayid Ala Nahyaan…
Kulanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Sheikh Zaayid ayaa diiradda lagu saaray horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, arrimo khuseeya guud ahaan Gobolka.
Maxamed Bin Zayed waxaa la rumeysan yahay inuu yahay Mas’uulka xiligaan ugu awoodda badan dalka Imaaraadka Carabta, waxaana la sheegaa inuu yahay hoggaamiyaha dadban ee dalkaas.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahad-celiyay Sheekh Maxamed Binu Zayed iyo Shacabka Imaaraadka Carabta soo dhaweynta isaga iyo wafdigiisa iyo sidoo kale doorka Imaaraadka Carabta ee Somalia, gaar ahaan gurmadkii ay la soo gaareen Shacabka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.